Saturday, May 23, 2026
26.5 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay kulankii maanta uu Madaxweynaha Jubbaland ‘A. Madoobe’ la yeeshay musharraxiintii tartanka la gashay

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Axaddii maanta la kulmay musharaxiintii tartanka la gashay maalintii Khamiista.

Madaxweynaha Jubbaland oo musharaxiinta ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa uu ka dhageystay aragtidooda ku aadan wixii feker ah, ee ay ku biirinayan, sidii Jubbaland horey loogu dhaqaajin lahaa.

Musharaxiinta ayaa ka jawaabay martiqaad uu u sameeyay Madaxweynaha Jubbaland, si ay uga wada hadlaan arrimaha Jubbaland, ka dib doorashadii marka labaad lagu soo doortay Axmed Madoobe.

Waxaa magaalada Kismaayo, isla Khamiistii Madaxweynaha Jubbaland loogu doortay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, maalintii Jimcaha ayaa Magaalada Kismaayo lagu doortay Cabdinaasir Seeraar Maax, oo isna isu cumaamaday inuu yahay Madaxweynaha xigga ee Maamulka Jubbaland.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaysa inay aqoonsan doonto oo keliya, marka doorasho loo dhan yahay ay ka dhacdo Xarunta KMG Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...