Wednesday, May 13, 2026
29.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: M/weyne Farmaajo oo Japan kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Bankiga Adduunka

Yokohama (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Jimcihi Maanta wada hadallo wax ku ool ah kula yeeshay Magaalada Yokohama ee Dalka Japan Madaxweyne Ku xigeenka Bankiga Adduunka ee qeybta Afrika Mudane, Hafez Ghanem.

Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray dedaallada Xukuumadda ee la xiriira dib u habeynta maaliyadda, deyn cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Shalay Khudbad ka jeediyay shirka nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga Waddamada Afrika iyo Japan (TICAD), ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira guud ahaan Dalalka Geeska Afrika.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...