Muqdisho (Halqaran.com) – Dhinacyo kala duwan ayaa ka qayb qaatay gurmadkii loo fidiyay dadkii ku waxyeeloobay weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Shaqaalaha gurmadka caafimaadka ee Aamin Ambulance ayaa doorka ugu muhiimsan ka qaatay gurmadka ballaaran ee dadkaasi looga daad-gureeyay isgoyska lagu hubiyo gaadiidka ka yimaada Degmada Afgooye.
Sidoo kale shacabka ku dhaqan xaafadaha ku dhow dhow Isgoyska Ex Control Afgooye iyo dad kaloo socoto ayaa ayaa gacan u fidiyay dhibane-yaasha qaarkood. Ciidamada Booliska ayaa iyaguna qayb ka ahaa gurmadkaasi.
Dhibane-yaasha oo intooda badan la geeyay Isbitaalka Madiina ayaa waxay maamulku sheegeen in la soo gaarsiiyay meydadka 73 qof iyo dhaawacyada 52 kale.
Isbitaalka Digfeer ayaa la geeyay meydadka 3 qof iyo dhaawaca 35 kale, iyadoo isbitaalka Somali Sudanese la geeyay 1 qof oo meyd ah iyo 15 kale oo dhaawac ah, isbitaalka Kalkaal waxaa la gaarsiiyay 10 qof oo dhaawac ah, isbitaalka Shaafi ayaa la geeyay 8 dhaawac ah, halka Daaru Shifa la gaarsiiyay 6 dhaawac.
Tirada dadka ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay falkaasi arxanka daran ayaa ka badan kara tirada hadda laga warqabo.
Dadka khasaaraha ugu badan uu weerarkaasi ka soo gaaray ayaa ah arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho. Gaadiid ay la socdeen ayuu qaraxa ku qabsaday wadada.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in argagixisadu ay maanta xasuuqday dad aan waxba galabsan.
Waa maalin kaloo madow oo dadka reer Muqdisho soo wajahday, wixii ka dambeeyay qaraxii boqolaalka qof ku la’deen ee 14-kii bishii October ee sanadkii 2017, ka dhacday Isgoyska 14-ka October (Ex Zoobe).
Si lamid ah weerarkii Isgoyska Ex Zoobe ayaa waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, balse weerarada ceynkani oo kala ah ayaa waxaa aallaaba dusha u rita Ururka Al Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com