Monday, May 25, 2026
26.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Guddoomiyihii Warta-Nabadda oo dhaawicii ka bogsatay oo Muqdisho ku soo noqotay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir, Saynab Maxamuud Warsame (Saynab Xaabsey) ayaa maanta dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa ka bogsatay dhaawac dhanka wejiga ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, 24-kii bishii July.

Guddoomiyaha oo caafimaad ahaan loogu qaaday Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa dadaal badan ka dib lagu guuleystay in laga dabiibo dhaawac daran oo wejiga ka soo gaaray.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la kulmay Saynab Maxamuud Warsame, wax yar ka dib markii ay ku soo laabatay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Ku xigeenka ayaa Saynab Maxamuud Warsame ka wareystay xaaladeeda caafimaad, waxaana uu ku farxay in ay ka bogsato dhaawicii darnaa ee wejiga ka soo gaaray.

Saynab Xaabsey oo ka hadashay xaaladeeda caafimaad ayaa tiri “Waxaa is bedelay muuqaalkeygii, balse qalbigeyga waxba iskama bedelin.”

Qaraxa ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ayaa waxaa ku dhintay masuuliyiin uu ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), halka tiro kale oo masuuliyiin ay ka mid ahaayen ay ku dhaawacmeen.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ay Dowladda Soomaaliya u maxkamadeysay qaraxaasi, balse waxaa jira dad ay laamaha amniga u soo qab qabteen qaraxaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...