Sunday, June 14, 2026
27.7 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Golaha Aqalka sare ee BF Somaliya oo maanta Ansixiyay Sharci cusub

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare ayaa meel mariyay Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ)

Kulaka 14aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka sare oo uu shirguddoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaaahi Cabdullahi ayaa looga hadlay Hindise-Sharciyedka Istaatistikada Qaranka iyo Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ).

Hindise-Sharciyeedka Istaatistikada Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaaal Maxamed Cusman oo Xildhibaanada u sharxay hindise sharciyeedkan..

Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedyadaan, Guddiga Arrimaha Dibedda, Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Intaa kadib, Guddooomiyah Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Beni’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka Senator Axmed Macalim Cumar (Nadiir) ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ). Iyadoo uu Golaha Aqalka Sare ansixiyay Hindise-sharciyeedkan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...