Garoowe (Halqaran.com) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa Jimcaha Maanta ah waxa ay ku dhawaaqeen in Taliyihii Ciidamada Somaliland ee Aaga degmada Badhan ee Gobolka Sanaag iyo Ciidamo uu wato ay ka soo goysteen Somaliland, kuna biireen Puntland.
Afhayeenka Madaxtooyda Puntland, Jaamac Dabaraani ayaa sheegay in Gaashaanle sare Guray Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay ku soo wareegeen Puntland , isla-markaana dadaalkaas ay bixisay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
“Xukuumadda Madaxweyne Deni waxaa ay ku Guulaystay in Cutubyadii Ciidan ee ku sugnaa Gobolka Sanaag ee ka amar qaadan jiray Somaliland lawada wareegto, waxaa ciidamadaas horkacaya Taliyihii Ciidamada Somaliland ee aaga degmada Badhan, waxanana dadaal ku bixinay wareegidda taliyaha iyo ciidankiiisa.” Ayuu yiri Jaamac Dabaraani”.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa xusay, in tallaabadan ay qaaday maamulka Puntland ay kaalin weyn ka gaysteen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Guurti Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, ayna uga mahad celinayan.
Xukuumadda Somaliland ayaan weli ka hadlin Taliyaha iyo Ciidamada, ay Puntland sheegtay in ay ka soo goysteen dhanka Somaliland.
Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com