Friday, March 13, 2026
26.5 C
Mogadishu

Daawo Sawirro: C/kariim Qalbi-dhagax oo galabta si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo +(Ogow Ujeedka imaatinkiisa)

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa gelinkii dambe Jimcihii maanta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, soo gaaray Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan hoggaanka sare ee Jabhadda ONLF, hadda ka horna dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.

Cabdikariim Qalbi-dhagax ayaa waxaa Kismaayo si weyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal dawladda federaalka, Isimada iyo Waxgaradka Jubbaland iyo shacabka ku nool magaalada Kismaayo.

Qalbi-dhagax soo dhaweyn kaddib waxaa loo gudbiyay Guriga martida magaalada Kismaayo,halkaasoo uu caawa kulamo uga socdaan isaga iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Waxay ku soo aadeysaa, imaatinka Qalbi-dhagax magaalada Kismaayo, xilli ay dowlad goboleedka Jubbaland ka dhex jirto cikirnaan siyaasadeed, iyadoo berrito lagu wado inay dhacdo doorashada guddoonka Baarlamaanka Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...