Daawo Sawirro: C/kariim Qalbi-dhagax oo galabta si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo +(Ogow Ujeedka imaatinkiisa)

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa gelinkii dambe Jimcihii maanta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, soo gaaray Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan hoggaanka sare ee Jabhadda ONLF, hadda ka horna dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.

Cabdikariim Qalbi-dhagax ayaa waxaa Kismaayo si weyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal dawladda federaalka, Isimada iyo Waxgaradka Jubbaland iyo shacabka ku nool magaalada Kismaayo.

Qalbi-dhagax soo dhaweyn kaddib waxaa loo gudbiyay Guriga martida magaalada Kismaayo,halkaasoo uu caawa kulamo uga socdaan isaga iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Waxay ku soo aadeysaa, imaatinka Qalbi-dhagax magaalada Kismaayo, xilli ay dowlad goboleedka Jubbaland ka dhex jirto cikirnaan siyaasadeed, iyadoo berrito lagu wado inay dhacdo doorashada guddoonka Baarlamaanka Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com