Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

DAAWO Sawirrada laga soo qaaday xarunta Inji oo burbur xoogan ka soo gaaray dagaalkii shalay.

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya oo si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb, ayaa sawirro laga soo qaaday xaruntaasi ay muujinayaan Bur bur xooggan oo xaruntaasi ka muuqda.

Dagaalkii shalay oo dhan ka socday Xarunta Inji ayaa sababay Bur burkaasi iyo sidoo kale madaafiicdii lagu garaacay xarunta intii dagaalka uu socday.

Madaxdii Ahlu Sunna ee ku sugnaa goobta ayaa waxaa ay isku dhiibeen Ciidan uu hoggaaminaayay Jeneraal Mascuud, waxaana wararka ay sheegayaan in loo kaxeeyay dhanka hoyga Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor.

Lama oga tallaabada dowladda Federalka Soomaaliya ay qaadi doonto ee ku aadan hoggaanka Ahlu Sunna, maadaama gacanta dowladda Federalka Soomaaliya ay ku jiraan.

Xaalad deganaansho leh ayaa ka jirta Magaalada Dhuusamareeb, waxaana xarunta Inji hadda ku sugan ciidanka Dowladda oo Boolis iyo Militari isugu jira.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...