Saturday, July 18, 2026
25.2 C
Mogadishu

Khilaafkii Hargeysa oo lagu kala adkaaday iyo guddiga doorashada oo maanta la Dhaariyay +(VIDEO)

Hargeysa (Halqaran.com) – Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maanta madaxweyne Muuse Biixi hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka ee dhawaan la dhisay, Kuwaasi oo Dood adag ay ka taagnayd Maalmihii lasoo dhaafay.

Xubnahan cusub ee komishanka doorashooyinka oo dhawaan ay ansixiyeen golaha baarlamanka Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.

Madaxweynahe Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxana uu ku adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen maanta.

Xisbiyadda UCID iyo Waddani ayaa horay uga soo horjeestay Meelmarinta  Xubnahan, Taasi oo keentay in Hargeysa lagu xidho  Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadani.

Arrintan ayaa hada u muuqata mid lagu kala Adkaadya oo Xukuumaddu Somaliland ay guul ka gaaray.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka:

https://youtu.be/LvaQZUPVyT4

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...