Tuesday, May 26, 2026
26.3 C
Mogadishu

CUMAR FILISH oo qanciyay banaanbaxayaashii careysanaa ee Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta banaanbax ay dhigayeen dadweyne ka gudoodsan dil uu laba qof oo shacab ah u geystay askari ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhiga Degmada Boondheere.

Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Filish ayaa fagaaraha taalada Daljirka Dahsoon kula hadlay dibadbaxyaasha.

“Waxaan marka hore idin kaga tacsiyeenaya dhibkii dhacay oo ahaa mid aad u foolxun islamarkaana qalbigeyga xanuujisay waana sababta keentay inaan hortiina imaado, sidoo kale madaxda dowlada wey xanuujisay waxeyna diyaar u yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno gacan ku dhiiglihii falkaas arxandara ah geestay.” Ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Duqa Muqdisho ayaa Xarunta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir kula kulmay qoysaskii marxuumiinta wax uuna u sheegay in sharciga si deg deg ah loo horkeeni doono gacan ku dhiigle Xasan Aadan Xasan oo ah askarigii dilka geystay, sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay dowladda ay garab taagan tahay qoysaska marxuumiinta gardarada lagu dilay.

Dibadbaxayaashii Sabtidii maanta isugu soo baxay Daljirka Daahsoon illaa Isgoyska Jubba ayaa gubay taayaro, waxaana Sawirka Madaxweynaha ay ka dajiyeen Boor uu ku dhaganaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...