Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Isniintii maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International ee Magaalada Muqdisho siweyn loogu soo dhaweeyay Ciyaartooyda xulka Kubbadda Cagta ee 17 jirada Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan ku soo guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika, kadib markii xulka Qaranka Koonfurta Suudaan ay kaga adkaadeen 3-1.
Wasiirro iyo Xildhibaanno katirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya, Bahda Ciyaaraha Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Bulshada gobolka Banaadir ayaa siwyen Garoonka Aadan Cadde ugu soo dhaweeyay ciyaartooyda.
Intaasi waxaa loo geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale oo ka tirsan dowladda, iyaga oo ugu hambaleeyay guusha ay gaareen iyo Magaca ay u soo hooyeen Ummadda Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo Madaxda Sare ee dowladda Federaalka ah ayaa siweyn ugu farxay Guusha ay gaareen Ciyaartooyda xulka Kubbadda Cagta ee 17 jirada Soomaaliya maadaama ay ku guuleysteen Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





