Tuesday, January 20, 2026
25.2 C
Mogadishu

Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay Saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen Sh/Dhexe

Balcad (Halqaran.com) – Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen duleedka Degmada Balcad waxa ay ku dileen horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo burburiyay goob ay Gaadiidka uga qaadi jireen Lacago baad ah.

Howl-galka oo ka dhacay degaanka Danida ayay Ciidamadu Cagta ku mariyeen Saldhig ay nabad-diidku ku lahaayeen halkaasi, iyagoo dilay Labo horjooge, halka tiro intaa ka badanna lagu dhaawacay.

Qaar ka mid ah Dadka ku dhaqan Danida ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidanku ay ku suganyihiin Saldhiggii ay kala wareegeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah tallaabooyinka ay Ciidanku ku wiiqayaan awoodda Argagixisada kuna xaqiijinayaan ammaanka Waddada isku xirta Degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...