Sh/Hoose (Halqaran.com) – Wararka aynu ka helayno gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in ciidamada Kumaandooska Soomaaliy ee DANAB ay weli howlgal kala duwan ka wadaan xaafadaha degmada Kuntuwaarey oo ay Jimcihii kala wareegeen Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada howlgalka hoggaaminaya ayaa warbaahinta dowladda u sheegeen, in Ciidamada ay Gacanta ku soo dhigeen miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwa lagu xiro gaadiidka iyo Aalado kala duwan oo laga sameeyo waxyaabaha qarxa.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay, in Ciidamada inay soo qabteen Saddex Qof oo kamid ah Maleeshiyaaadka Al-Shabaab, xilli ay ku diyaarinayeen qaraxyo gudaha degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Tan iyo Jimcihii markii ay ciidamada dowladda la wareegeen degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellaha hoose, waxay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan, iyadoo deegaano dhowr ahina ay kula wareegeen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





