Awdheegle (Halqaran.com) – Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Ciidanka Kumaadooska Gorgor ayaa waxa ay howlgalka sigaar ah uga sameeyeen deegaannada kala ah Shaam-gare, tawakal iyo nuucaanaay oo hoostaga dhammaantood degmadda Awdheegle ee gobolka Sh/hoose.
Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Dhexe Dayax Cabdi Cabdulle oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Gaashaanle Dhexe Dayax ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa ay ka saarayaan degaannada u dhow degmada Awdheegle, halkaas oo mararka qaar ay weerarada kasoo abaabulaan.
Ciidanka Kumaadooska Gorgor ayaa gacanta ku haya degaano badan oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, balse mararka qaarkood ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





