Thursday, November 13, 2025
28.7 C
Mogadishu

Ciidamo ka tirsan ATMIS oo ka baxay dalka, kuwo cusub-na lagu soo baddalay

Muqdisho (Halqaran.com) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku maamuusay askarta Uganda ee uu waqtigooda dhammaaday doorkii ay ka qaateen daddaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS, Keith Katungi, ayaa ku bogaadiyay kooxda dagaalka ee waqtigeeda dhamaaday sida ay u fuliyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xaqiijinta doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo sidoo kale kaalintooda guud ee dadaalka nabadda iyo xasiloonida.

“Waxa ay ahayd muhiim in aan joogno gudaha Soomaaliya oo aan hubinno in kala-guurka siyaasadeed iyo xilliga doorashada uu yahay mid hagaagsan,” ayuu Katungi ku yiri hadal uu ka soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Biladaha iyo shahaadooyinka ayaa waxaa la guddoonsiiyay koox saraakiil ah oo ka socday kooxda 33-aad ee Uganda oo dhameystay socdaal shaqo oo muddo hal sano ah ay ku joogeen Soomaaliya iyagoo hoos taga ATMIS.

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee dhanka howlgallada iyo qorshayaasha William Kitsao Shume ayaa ku bogaadiyay ciidamada waqtigooda dhamaaday sida ay u xaqiijiyeen Soomaaliya oo nabad ah oo xasiloon.

Intii ay ku guda jireen howlahooda shaqo Ciidamada Uganda kooxdooda dagaalka waxay ku sugnaayeen saldhigyo ciidan oo ku yaala Carbiska, Arbacow, Lafoole iyo Laantabuur, oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadan ayaa sidoo kale sugayay amniga xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya ku leedahay magaalada Muqdisho, sida madaxtooyada, dekedda Muqdisho, baarlamaanka federaalka iyo xerada ATMIS.

Sida laga soo xigtay ATMIS, ciidamada baxaya oo lagu bedelayo koox cusub ayaa xiriir wanaagsan la lahaa bulshooyinka Soomaalida ee deegaanka, waxaana ay sugeen waddooyin suurageliyay in ay si badbaado leh ugu socdaan dadka iyo badeecadaha ee mara waddooyinka muhiimka ah ee kuyaalla gobolada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...