Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

Ciidamo Aad u Hubeysan oo la geeyay Baraawe (Maxay Tahay Sababta?)

Baraawe (Halqaran.com) –Ciidan isugu jira boolis iyo militeri ayaa maanta la geeyey magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, si ammaanka doorashada ay u sugaan.

Taliyaha ciidanka booliska Koonfur Galbeed Gaashaanle Cabdi Ibraahim Shaamow,
guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Shabeellada Hoose Axmed Mudane iyo guddoomiyaha degmada Baraawe Liibaan Abuukar ayaa ciidankaas goordhaw ku soo dhaweeyey magaalada.

Doorashada 13 ka mid ah kuraasta golaha shacabka ayaa dhawaan lagu qabanayaa Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee kuraasta golaha shacabka ka soo geleysa deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Abdifatah Hassan Hussein
Xafiiska Wararka Halqaran, Marka

Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...