Monday, December 15, 2025
27.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Addis Ababa(Halqaran.com) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, isaga oo halkaas ugu qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

 

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

 

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika.

 

 

Gabagabada Shirka ayaa la filayaa in warmurtiyeed lagu muujinayo waxyaabaha ay isku afgartaan madaxdaan laga soosaarao, Dalalka Afrika ayaa ku kala qaybsan colaadda Itoobiya, waddamada qaar ayaa taageersan Xukuumadda Abiy halka qaar kale ay kasoo horjeedaan.

 

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika.

 

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa halkaas soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ugu sameeyey Wasiiro kala Duwan oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Itoobiya Danjire Cabdilalahi Axmed Jaamac.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...