Monday, April 27, 2026
27.5 C
Mogadishu

Ciidamada Yuhuuda oo soo qabtay Falastiiniyiin ka baxsaday Xabsi

Israel (Halqaran.com) – Booliiska Israa’iil ayaa qabtay saacadihii hore ee Sabtidii laba kale oo Falastiiniyiin ah oo ka baxsaday xabsi ammaankiisu aad loo adkeeyay horaantii toddobaadkan, taasoo ka dhigaysa Afar tirada maxaabiista dib loo soo celiyay.

Mas’uuliyiinta ayaa aqoonsaday labada qof ee kala ah Zakaria Zubeidi iyo Mahmoud al-Arida.

Labadan qof ayaa la sheegay in laga helay garaashka xamuulka ee waqooyiga Israel.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa laga soo xigtay warar  sheegaya in Zubeidi uu isku dayay inuu iska caabbiyo xarigga.

Laba qof oo kale oo Falastiiniyiin ah ayaa weli baxsad ah.

“Maxaabiista ku jirta xabsiyada Falastiin waxay u ooman yihiin xorriyad. Waxay rabaan inay noloshooda ku noolaadaan. Ma aha dambiilayaal caadi ah, laakiin waa waddaniyiin u dagaallamaya xorriyadda, ”ayuu Muhammad Khabe oo ka tirsan Falastiiniyiinta  u sheegay Al Jazeera.

“Israa’iiliyiintu waxay xabsi geliyeen Falastiiniyiin iyagoo qabsaday dhulkoodii. Markay reer Falastiin hubka qaataan, adduunku wuxuu noogu yeeraa argagaxiso markaan hubka dhigno ee aan si nabad ah iska caabbinno, Israa’iiliyiintu way na dilaan, ”ayuu raaciyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...