Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Ciidamada XDS oo soo bandhigay Saraakiil ka soo goostay Ururka Al-Shabaab

Baydhabo (Halqaran.com) – Idiris Cabdullahi Macalin (Foodcadde) oo muddo toddobo sano ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay Magaalada Baydhabo, ka dib markii uu isku soo dhiibay Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Idiris Cabdullahi Macalin oo Shabaab u qaabilsanaa ilaalinta xabsiyada ayaa haatan ka soo goostay Shabaabka ka arrimiya Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Waxaa uu sheegay inuu u adkaysan kari waayay dhibaatada ay Shabaabku ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, taasina ay ku riixday inuu safkooda ka soo baxo.

“Waxaa uga soo baxay Shabaab, ummaddii ayay gumaadeen, diin ayay iska sheeganayaan, diin ay ku dhaqmaan oo sax ahna ma arag.” Ayuu yiri Foodcadde.

Dhanka kale Foodcadde ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay maanta si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

“Alle oo iga soo saaray ayaa ku mahadsan oo Ciidamada Dowladda ii keenay, si fiicana maanta iigu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo.” Ayuu yiri Foodcadde.

Foodcadde ayaa ugu dambayn dhallinyarada ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ugu baaqay inay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowladda, intii ay dadkooda dhibaateen lahaayeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...