Jowhar (Halqaran.com) – Howgal ballaaran oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa Ciidamada Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Ciidanka Millateriga qeybta 27aad Guutada 3aad oo iskaashanaya ay ku sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha Ciidamada Milateriga iyo Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada laga fuliyay deegaannada kala ah, Doon cadale, moora mareereey, dheel dhanaan, shanta baraako, kulanta, garasweyne, basro, Daniga baaloow iyo buulokuunto, kuwaas oo hoostaga degmada Balcad.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle G/sare, Xasan Dhicisow Xasan oo Hoggaaminayay howlgalka ayaa ka warbixiyay duulaanka ay ku qaadeen deegaannada ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Gaashaanle Sare Xasan Dhicisow Xasan ayaa sheegay inay ula jeedadu ahayd sidii deegaanada ay Gobolka ka joogaan Al-Shabaab looga saari lahaa loona sugi lahaa Amniga wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.
Sidoo kale, taliyaha waxaa uu sheegay in howlgalkaas lagu dilay madaxii qaraxyada u qaabilsanaa Al-Shabaab Gobolka Shabeellaha Dhexe, balse uusan sheegin magaciisa.
Ugu dambeyn, dhowr jeer oo hore ayaa Ururka Al-Shabaab weeraro qaraxyo iyo dagaal toos ah waxaa ay ka fuliyeen wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo ku dilay, Askar iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





