Cabdullaahi Yusuf Axmed, kumuu ahaa aabbaha Puntland?

Muqdisho (Halqaran.com) – Maanta oo kale, 10-kii bishii October ee sanadkii 2004 ayaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed loo doortay xilka madaxweynaha dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya.

Doorasho ka dhacday Kenya ayey baarlamaanka Soomaaliya ku doorteen kaddib markii lasoo gabogabeeyay shir dib u heshiisiin ah oo muddo u socday siyaasiyiinta Soomaalida.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa xilkaas hayay ilaa 29-kii bishii December ee sanadkii 2008. Waxa uu geeriyooday 23-kii bishii March ee sanadkii 2012.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa aabbihii Puntland.

Dadka aasaska hore ee Puntland door weyn ka qaatay billaabayna nidaamka dimuqraadiyadeynta waxaa ka mid ah Cabdullaahi Yusuf Axmed. Qoraalkan waxaan ku eegi doonna waxa lagu xasuusto aasaasihii iyo madaxweynihii ugu horreeyey ee Puntland, Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Aasaasitaankii Puntland

Markii dawladdii dhexe burburtay, isla sida oo kalena doonisyo beesha caalamku ay ku doonaysay in dawlad la dhisaana ay waxba ka hir geli waayeen waxaa gobolladda hadda Puntland maamusho ka bilawday shirar is daa joog oo u dhexeeyey isimada iyo madax dhaqameedka degaankaas.

Waxaana sannadkii 1998 -dii bishii Julaay noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Puntland, mudane Cabdilaahi Yuusuf.

Waxana uu halkaas madaxweyne ka ahaa ilaa uu ka aadey Eldoret/Nairobi Kenya oo lagu soo dhisayey Dowlad Ku meel Gaarka ahayd.

Taariikhdiisa oo kooban

Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waxa uu ku dhashay tuulada birta dheer, oo u dhaw magaalada Garowe sannadkii 1934, hooyadiina waxaa la odhan jiray Bullo Nuur Siciid.

Waxa uu ku biiray kulliyadda ciidammada, waxaana muddo kaddib laba sano oo waxbarasho ciidan ah loogu diray dalka Talyaaniga, sanaddadii 1952-56.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed / GETTY IMAGES

Waxaana sannadkii 1957 -kii loo magacaabay Taliye Ku xigeenka booliska gobolka Banaadir. Mar kale ayuu se ku noqday Talyaaniga sannadkii 1960-kii.

Waxaana muddadaas kaddib u soo qabtay xilal badan oo dhanka millateriga ah, isaga oo gaadhay derajada gaashaanle sare. Waxaa kale ooo uu buugga Cabdullahi Yusuf iska qoray lagu sheegey inuu Jaamacadda Qaran ee Soomaaliya uu ka dhigtey kulliyada sharciga, laakiin inta uusan dhameynin la xidhey.

Waxaana uu sidoo kale dagaalkii xoraynta ee Soomaali Galbeed loo magacaabay C/llaahi Yuusuf inuu hoggaamiyo ciidamada Dagaalka, wuxuuna noqday taliyaha qaybtii ka dagaalamaysay koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cabdilaahi Yuusuf Axmad waxaa uu dhalay afar carruur ah – Laba wiil iyo Laba Gabdhood.

Inqilaabkii dhicisoobay

Tan iyo markii kacaankii dalka qabsaday, ee uu madaxweyne noqday Maxamed Siyaad Barre, Cabdillaahi Yuusuf waxaa xabsiga loo taxaabay isla sannadkaasba iyada oo lagu eedeeyey in uu ka cagajiiday la wareegiddii talada ee ciidammada. Mudadaas waxaa uu xidhnaa lix sano, waxaana xabsiga laga soo daayey sannadkii 1975.

Sannadkii 1978 Cabdilaahi Yuusuf iyo saraakiil kale, waxa lagu eedeeyey in ay isku deyeen inqilaab fashilmay. Waxaana Cabdilaahi uu galay dalka Kenya, ka hor inta uusan u wareegin Itoobiya.

Waxaana uu isla xilligaa uu ka badbaaday dil lagu xukumay laguna fuliyay raggii ay saraakiisha wada ahaayeen, ee loo haystay isku daygii afgmbigaas.

Aasasitaankii SSDF

Markii inqilaabkaasi fashilmay, saraakiishii isku deyey ee u horkacayey Cabdillaahi Yuusuf iyo kuwo kale oo mucarad ahaa waxa ay aaseeseen isla sannadkaa 1978 Ururkii SSDF, oo u taagnaa Somali Salvation Democratic Front, macanaheeduna ahaa Jabhadda Diimuqraadiga Badbaadinta Soomaaliyeed.

Waana jabhadii ugu horreysay ee mucaarad ah Soomaaliya.

Dhawr jeer ayuuna Cabdilaahi Yuusuf madax ka soo noqday jabhaddaas.

Noqoshadii Madaxweynaha Dawladdii Ku meel Gaadhka ahayd ee Soomaaliya

10-kii October snadkii 2004 ayaa doorasho ka dhacday magaalada Nayroobi lagu doortay Cabdilaahi Yuusuf in uu noqdo madaxweyne, kaddib laba sano oo shirar is dab joog ka dhacayeen dalka Kenya.

Doorashadan oo goor duhurnimo ahayd ahayd billaabatay ayaa waxaa la isla gaadhay ilaa saddex wareeg oo si xoog leh loogu tartamay codadka mudaneyaasha baarlamaanka, waxaana tartameyey 26 tartame.

Tartamayaashaas waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Axmed Caddow, Maxamed Qanyare Afrax, Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Maxamed Xuseen Caddow.

Kaddib afar sano december, 2008 ayuu Cabdilaahi Yuuusf hor tegay golihii baarlamaanka ee DFKMG ee Baydhabo, isaga oo warqaddiisii iscasilaadda u dhiibay Aaadan Madoobe, oo ahaa guddoomiyihii baarlamaankaas. Waxa aana uu muujiyey xilligaas in iscasilaaddiisu tahay cadaadis kaga yimi beeshii caalamka.

C/laahi Yuusuf markii uu la hadlay baarlamaanka DFKMG waxa uu durbadiiba u diyaarad ka raacay Baydhabo waxana uu isla maalintaas (Dec 29) gaadhey magaalada Garoowe. Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Gen. Cadde Muuse, waxayna u gudbeen xarunta madaxtooyada ee Garoowe.

Waxyaalaha kale ee lagu xasuusto Cabdilaahi Yuusuf

Cabdullaahi Yusuf waxyaabaha sida gaarka ah loogu xasuusto waxaa ka mid ah inuu Soomaaliya keenay ciidammada Ethiopia ee la dagaallamay maxkamadihii Islaamiga ahaa, la dagaallankii al-Itixaadkii Soomaaliya.

Xigasho – BBC Somali