Kyiv (Halqaran.com) – Ciidamada Rushka oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa ka dhex dagaalamaya gudaha magaalada caasimada u ah dalka Ukraine ee Kyiv.
Ciidamada Ukraine ayaa sheegay inay dhawr xaafadood oo magaalada Kyiv ka tirsan kula dagaalamayaan ciidamada Rushka.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa mar sii horeysay sheegay in ciidamada Ruushka ay isku dayi doonaan inay qabsadaan Kyiv ka hor waaberiga, isagoo uga digay dagaalyahanada qaranka inay feejignaadaan, wuxuuna yiri: “Ma lumin karno caasimadda”.
Milateriga Ukraine ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook waxa ay ku sheegeen in ciidamada Ruushka ay weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla Kyiv.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Ruushka ay madaafiic ku garaaceen aqalka madaxtooyada dalka Ukraine ayadoo dagaal uu ka socdo wadooyinka qaar ee caasimada.
Ciidamada Ruushka ayaa dhowr jiho ka weeraray Kyiv waxa ay taasi sababtay in ciidamada Ukraine ee kaashanaya Dadka hubka u qaaday difaaca Dalkooda ay awoodi waayeen dib u celinta Ciidanka Moscow.
Dhanka kale Duqa caasimada Vitali Klitschko ayaa sheegay in dagaalka ka socda Kyiv inay ku dhaawacmeen 35 ruux oo ay 2 caruur ah ku jiraan.
Wararka ayaa sheegaya Qaraxyo dhowr ah ayaa laga maqlayaa magaalada Kyiv iyo waddooyinka soo gala , halkaasoo ay hadda ka socdaan duqeymo xooggan iyo Dagaalo Toos ah oo dhaxmaraya Ciidamda Ruushka iyo dowlada Ukraine.
Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in 18,000 oo qoryaha daran dooriga u dhaca loo qaybiyay mutadawiciin doonaya in ay duullaanka Ruushka.
Halarannews@gmail.com





