Muqdisho (Halqaran.com) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin ay guddiga doorashooyinka Soomaaliya Ciidanka Nabadsugida kasoo xuleen si ay danahooda ugu fushadaan.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CCW oo la hadlay Universal TV ayaa waxa uu sheegay, in sidoo kale qofkii doonaya in uu noqdo Xildhibaan in la marsiinayo Xarunta taliska Hay’adda Nabadsugida taasi ay tahay nasiib darro weyn lana aqbali doonin.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in uu shaki ka qabo cidda uu u shaqeynayo Madaxweyne Farmaajo, balse doorasho aysan ku qanacsaneyn aan lagu qabaneyn magaalada Muqdisho.
“Waxaa la yaab leh in Qof walba ee doonaya xildhibaan la marsiinayo Taliska hay’adda NISA oo ay taallo lacag ay Qatar ugu talo gashay in Xildhibaannada lagu soo saaro, hasayeeshee Doorasho aan lagu qanacsaneyn Muqdisho kama dhaceyso taas anaa kuu ballan qaadaya‘‘ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CCW, Madasha Xisbiyada Qaran iyo inta badan Xubnaha mucaaradka ayaa ka soo horjeestay gudiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka oo ay soo magacaabeen Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Maamul goboleedyada, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyaga oo sheegay in laga soo xulay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Ciidamada NISA.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





