Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Boqorka Jordan oo taageeray in bariga dhexe laga abuuro isbaheysiga NATO

Jordan (Halqaran.com) – Boqorka Jordan Boqor Cabdallaha Labaad, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka mid noqon doono dalalka ugu horreeya ee taageeraya in bariga dhexe laga abuuro NATO:

Boqor Cabdallaha labaad ee Jordan ayaa xusay, in ay suurtagal tahay si la mid ah Jordan in dalaka kale oo bariga dhexe ah ay soo dhaweeynayaan in bariga dhexe laga abuuro isbaheysiga NATO.

Wareysi ay shabakadda Mareykanka CNBC, la yeelatay Boqorka Jordan ayuu ku sheegay in baahi loo qabo howlgalka isbaheysiga in uu noqdo mid cad, si loo adkeeyo qeybo kamid ah xiriirka adduunka, loogana fogaado jahwareer Militir.

Boqorka Jordan ayaa ugu dambeysan sheegay, in Jordan ay leedahay awood ciidan oo adag, isla markaana ay sanado badan xariir iyo gacan saar la lahayeen Ururka NATO.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...