Friday, March 13, 2026
26.5 C
Mogadishu

Boosaaso: Tiro Askar ah oo ku dhinatay Qarax ka dhacay Galgala

Boosaaso (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya buuraleyda Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya, in Shan askari oo ka tirsan ciidanka PMPF ee Puntland ay dhinten, halka tiro kalena ay dhaawacmeen, kadib markii ay miino kula qaraxday gaari nooca dagaalka ah oo ay la scodeen oo marayay deegaanka Suguro ee gobolka Bari.

Askarta ku dhaawacantay miinadaas oo la soo gaarsiiyay magaalada Boosaaso ayaa la dhigay goobaha caafimaadka, si loola tacaalo dhaawacooda.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid weli sheegatay qaraxan, balse buuraleyda Galgala waxaa muddo 10 sano ka badan dagaal ku dhex marayey ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...