Muqdisho(Halqaran.com) – Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sheegay inay ka welwelsan yihiin khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee aan weli la xalin, kaasi salka ku haaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo awoodaha sharciga.
War-saxaafadeed ay beesha caalamka soo saartay ayaa lagu yiri, “saaxiibbadu waxay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, inkastoo in ka badan laba toddobaad ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah.”
Beesha Caalamka ayaa xustay in sii socoshada khilaafaadka uu halis gelin karo dib u dhac ku yimaada doorashada dalka. “Hubaal la’aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada” ayaa lagu yiri Qoraalka.
War-saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherland, Norway, Qadar, Saudi Arabia, Sudan, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





