Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Somaliland oo ku dhawaaqday in dadka Soomaaliyeed ay ula mid yihiin Sida Ajaaniibta kale.

Laascaanood(Halqaran.com) –   Taliyaha Booliska Gobolka Sool G/dhexe Axmee Cabdullaahi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay Laascaanood ayaa sheegay Dad ka reer Somaliland aysan Soomaali ahayn isla markaasna dadka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya iyo bartamaha ay ula mid yihiin Itoobiyaanka.

sidaan ayuu yiri taliyaha ” Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajinabi waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood, annaga Soomaali ma nihin waxba nagama gelin;waxaanu nahay Somaliland”.

Hadalka taliyaha ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland ay xalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Laascaanood, iyagoo kusoo qabqabtay dad shacab ah oo badan, iyadoo dadkaasi kasoo jeedaan gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya qaarkood ayaana ahaa ganacsato.

Sido Kale Maamulka Soomali-land  waxa  ay sheegtaa iney tahay Dowlad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale islamarkaana ictiraaf raadineysay  muddo 30 sano ah islamarkaana aanu jirin illaa iyo xiligaa dowladaha caalamka kuwa u aqoonsaday dowlad gaar ah.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...