Muqdisho (Halqaran.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay xiisada Colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Qoorqoor.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay iska hor-imaadyada dhacay isagoo caafimaad deg deg ah Alle uga baryayay dadkii dhaawacmay.
Sido Kale Rooble Ayaa Waxa uu Sheegay in Galmudug ay ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda islamarkaana iyada ayaana mas’uul ka ah amniga deegaannada Galmudug , isagoo ku baaqay in laga dheeraado tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug.
Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta.
Hoggaanka Galmudug waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadgalyada, kala danbaynta iyo wadajirka reer Galmudug, waana in si deg deg ah loo xalliyo xiisadaha iyo khilaafaadka kale ee aan rabshadaha wadan” ayuu yiri RW Rooble.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqayaa dhamaan reer Galmudug maamul iyo shacab in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasilloonida, dowladnimada iyo horumarka Galmudug.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





