Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Beesha Caalamka oo baaq deg-deg ah ka soo saartay Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) – Saaxiibada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo Shirka la filayo in 15-ka Bishaan uu u furmo Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Beesha Caalamka ayaa waxaa ay ku taageereen shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhammeystiro shirrakii doorashooyinka ee magaalada Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay, in aysan aqbaleyn in cudur daar laga dhigto oo uu shirka uu baaqdo khilafka ka jira halka lagu qabanayo shirka, waxaana ay ugu baqeen Madaxda DF Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada inay si deg-deg ah u xaliyaan muranka doorashada.

Haddaba halka hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka:

Saaxiibada Beesha Caalamka waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF) ay kulmi doonaan 15ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhusamareeb ee dhowaan qabsoomay.

Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah. Waxaan ku boorinaynaa madaxda  Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyagoo ku wada shaqeynaya niyad wax lagu dhisayo, inay xalliyaan arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhusamareeb isla markaana ay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17kii Sebtembar.

Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay.

Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...