Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Bandow lagu soo rogay xerada Xalane ee Muqdisho + War-saxaafadeed

Muqdisho (Halqaran.com) – ATMIS, howgalka Midowga Afrika ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen bandow ay ku soo rogayaan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in bandowga lagu soo rogay xeradda Xalane uu saaraa doono inta u dhaxeysa 26-ka bishaan ilaa 28-ka bishan April.

Teendhada Afisyooni oo ku taalla xeyndaabka Xalane ayaa lagu qabanayaa doorashada guddoonka baarlamaanka cusub, sida uu Axaddii maanta shaaciyey guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Go’aankaan ayey ATMIS sheegtay inay qaadatay kadib markii ay la tashi la sameeyeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaanka u haya arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxay sheegeen inaan loo dhawaan karin xarunta teendhada Afisyooni, maalmaha ay socoto doorashada guddoonada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sidoo kale ATMIS waxay cadeysay in howlaha kale ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay si caadi ah u soca doonaan, inta lagu guda jiro doorashooyinka ka dhacaya Afisyooni.

Si kastaba, doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo wareejiyey Afisyooni, kadib markii shaki badan laga muujiyey ammaanka xarunta golaha shacabka ee Villa Hargaysa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...