Muqdisho (Halqaran.com) – Bandowgii ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho oo dhaqangalay.
Bandowgan ayaa la saaray gaadiidka dadweynaha, sida Caasiga iyo mooto bajaajka. Waxaana la xiray sidoo kale qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee magaaalda.
Goobaha Ganacsiga ee la xeray waxaa ka mid, waddada Maka Al-Mukarama oo ah halka ay ku yaalan goobaha ganacsiga iyo sidoo kale meelaha dadweynaha ay isugu yimaadaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa daddaal xoogan gelineyso sidii loo xakameyn lahaa isku socodka bulshada, madaama Cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus (COVID-19) uu si xowli ah uga socda dalka .
Sidoo kale, waxaa cabsi laga muujinayaa inuu ku faafayo guud ahaan dalka Cudurkaan saameynta badan ku yeeshay dalalka Caalamka, iyadoo hal ruux uu dhawaan ugu geeriyooday Muqdisho, sidoo kalena laga helay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda diiwaangelisay 12 kiis oo ah cudurka Coronavirus (COVID-19), kaasi oo laga helay gudaha dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com









