Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maanta si wadajira u ansixiyeen Miisaaniyadda 2020, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa 31-kii bishii October ansixiyay Miisaaniyadda 2020, kadib markii uu horkeenay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Miisaaniyadda 2020 ayuu cadadkeedu yahay $469.5 milyan, waana Miisaaniyaddii ugu badneyd. Kororka ku yimid Miisaaniyadda 2020 ayaa waxaa lagu macneeyay, iyadoo la kordhiyay mushaaraadkii Ciidamada Dowladda.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in mushaarka Ciidamada Dowladda laga dhigay laba boqol oo dollar, halka bishii uu askarigu mushaar ahaan u qaadan jiray 130 dollar.
Xildhibaanada Labada Gole oo codka u qaaday Miisaaniyadda 2020 ayaa waxaa haa ugu codeeyay 188 Xildhibaan, iyadoo uu hal Mudane diiday, halka laba kalena ay ka aamustay.
Wasiirka Maaliyadda oo kulankaasi goobjoog ka ahaa ayaa uga mahadceliyay Xildhibanaada Labada Aqal tallaabada ay kalsoonidooda ku siiyeen Miisaaniyadda Dowladdu ku shaqayn doonto sanadka berrito curan doono, haddii Alle laga helo.
Ugu dambeyn, kulankan oo mid muhiim ahaa ayaa waxaa si wadajira u shir guddoominayay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com