Tuesday, October 28, 2025
27.7 C
Mogadishu

ATMIS oo billowday dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya

Muqdisho (HalQaran.com) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Arbcada maanta ah sheegay inuu billaabay dhimista tirada ciidamada, si waafaqsan qorshaha amniga loogu wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya.

“ATMIS waxay billowday yareynta ciidamada si waafaqsan qaraarka QM oo ku qasbaya ATMIS inay 2,000 oo askari kala baxdo Soomaaliya dhammaadka June 2023,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ATMIS.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada weli ay socdaan weerarada dhimashada leh ee kooxda Al-Shabaab, inkasta oo dowladda ay waddo howlgallo ka dhan ah kooxda oo ATMIS ay taageereyso.

Bishii tagtay kaliya, 54 askari oo ka mid ah ciidamada nabad-ilaalinta Uganda ayaa la dilay markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ku yaalla deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarkaas ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii dowladda ay billowday howlgal xooggan oo ka dhan ah kooxda bartamihii sanadkii tegay.

Howlgalka ATMIS ayaa April sanadkii tegay beddelay howlgalka AMISOM, oo ka koobnaa 20,000 oo askari oo kala kala yimid dhowr dal oo ay ka mid yihiin Burundi, Kenya iyo Uganda.

ATMIS ayaa sheegtay inay saldhig ciidan oo ay ka howlgalayeen ciidamada Burundi oo ku yaalla Hirshabeelle u gacan gelisay ciidamada xoogga dalka.

Ugu dambeyn, ATMIS ayaa haysata fasax ka badan AMISOM oo ay weeraro ku fulin karto, waxaana qorshahoodu yahay inay amniga Soomaaliya kuw areejiyaan ciidamada xoogga dalka dhammaadka 2024.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...