Tuesday, June 2, 2026
26.5 C
Mogadishu

Askari ka tirsan Ciidamada Milateriga Somaliland oo la Dilay

Awdal (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya degmada degmada Lughaye ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada Milateriga Somaliland uu askari kale ku dilay Tuulada Tuurka ee degmadaasi.

Askari la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Saleebaan Cabdillaahi Jaamac Ducaale, sida warbaahinta gudaha ay baahiyeen. Waxa uuna ka tirsanaa ciidama Milateriga Somaliland ee ku sugan Saldhiga Geerisa ee degmada Lughaye.

Xilliga la dilayay Askariga ayaa la sheegay inuu jiifay, inkastoo aan si rasmi ah loo caddeyn sababaha keenay dilka askariga iyo waxyaabaha ay isku qabteen.

Ciidamada Somaliland howlgal ay sameeyeen ayaa waxaa u suurtagashay in askariga dilka geystay kasoo qabtaan deegaanno u dhexeeya Beeyo-cadaado iyo Gargaara.

Askari dilka geystay ayaa hadda ku xiran saldhiga Booliska Gargadadar ee Gobolka Awdal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...