Qoryooley(Halqaran.com) –Ciidamo katirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa waxa ay tiro madaafiic ah ku garaaceen Xaafado katirsan degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Illo Wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa waxaa ay sheegayaan in Hoobiyeyaal ay ku dhaceen Guryo kuyaalla Xaafada Hodan ee degmada Qoryooleey waxaana ku geeriyooday hal Ruux laba kalena waa ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo markii dambe loo soo qaaday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Sido Kale Ciidamadan ayaa ah ururka degan degmada Qoryooley aya waxa ay shacabka deegaanku sheegayaan in xaley Salaadda Cishaha kadib ay bilaabeen rididda hubka culus oo aan la ogeyn waxa ay ugu danlahaayeen.
Dadka degaanka ay ku eedeeyay Ciidamada AMISOM inay si ula kac ah madaafiicda ugu garaaceen guryaha dadka Shacabka ah ay degan yihiin, kadib markii ay weerar aad u culus ay kala kulmeen Ururka Al-Shabaab oo ka Soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Amisom iyo Dowladnimada Soomaaliya.
AMISOM ayaa sidan oo kale dad shacab ah ugu leysay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi, waxaana horay ay dad shacab ugu laayeen Degaanka Golweyn.
Ugu Dambeyn Majiro wax War ah oo ka soo baxay Maamulka iyo Saraakiisha Degmada Qoryooley xukuma iyo Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya .
Abdifatah Hassan Hussein
Xafiiska Wararka Halqaran, Marka
Halqarannews@gmail.com





