Sunday, June 7, 2026
26.3 C
Mogadishu

Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee gobolada waqooyi oo Maanta lagu doortay Muqdisho

Muqdisho(Halqaran.com) – Guddiga hirgalinta doorashooyinga Gobalada Waqooyi SEIT Soomaaliland ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya.

 

Doorashada kursiga HOP#244 ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo kala ah Kaltuun Xayir Jaamac iyo, Siciid Maxamed Maxamuud, waxaana doorashada kusoo baxay Siciid Maxamed oo Cod gacan taag ah loogu coddeeyay.

 

Kursiga labaad ee HOP037 oo ay horay ugu fadhisay Hudda Axmed Cali ayaa waxaa ku tartamay, Marwo Ifraax Maxamed Cawad (Nooleeye) iyo Marwo Caasha Cabdilaahi Warsame Diiriye, balse Marwo Ifraax Maxamed Cawad ayaa kursiga ku guuleysatay kadib markii ay ka tanaasushay tartanka Caasha Cabdullaahi (Nooleey).

 

Ismaaciil ayaa loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, isagoona ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP#238 ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

 

Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland SEIT ayaa ku dhawaaqay dhammaan Natiijada saddexdii doorasho ee tartan la’aanta aheyd ee Maanta ka dhacday Teendhada Afiysooni ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...