Dubai(Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum.
Labada Masuul ayaa kulan kooda waxa ay diiradda ku saareen xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha , dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta.
Waxaa ay sido kale isla soo hadal qaadeen sida loogu fududeyn lahaa Dal-kugalka (Fiisooyinka) Soomaalida u safarta dalka Imaaraadka Carabta.
RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Dubai 30 Janaayo 2022, waana safarkii ugu horreeyay uu qof masuul uu heerkiisa sareeyo uu ku tagay Dalka Imaaraadka tan iyo 2018 oo markaas ugu dambeesay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka gadaal markii uu xumaaday xiriirka labada dal.
Sido kale Ra’iisul Wasaaraha waxa Safarkiisa ku wehliya Wasiiradda kala ah Waxbarashada,Dastuurka iyo Amniga.
Halkan hoose ka daawo sawirrada:-



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





