Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin Oday oo Sixiroole ahaa

Qoryooley (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in Ururka Al-Shabaab ay toogasho ku dileen nin ay ku eedeeyeen inuu Sixiroole ahaa.

Ninkaan ayaa waxaa xukunka dilka ah ku riday Maxkamadda Ururka Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii sida maxkamadda sheegtay uu qirtay muddo shan sano inuu ku shaqeynssnaayay falalka Sixirka.

Ninka la dilay oo 50 sano jir ahaa ayaa lagu magacaabi jiray Abuukar Xaaji Cumar, inkastoo aysan jirin cid difaaceysay oo qareen u aheyd, haddana waxaa ku dhacay xukun hal dhinac ah.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay qof kasta oo lagu soo qabto falalka la xiriira Sixirka in maxkamadda ay ka gaari doonto go‘aan cad.

Shacab badan oo laga soo kala uruuriyay tuulooyinka hoostagga Degmada Qoryooley ee Al-Shabaab gacanta ku hayaan ayaa daawanaayay qaabka dilka uu u dhacayay.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan magaalooyinka ay maamulaan ku dila dad sida ay sheegaan xukun uu ku dhaco oo maxkamadahooda ay xukmiyaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...