Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin Oday oo Sixiroole ahaa

Qoryooley (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in Ururka Al-Shabaab ay toogasho ku dileen nin ay ku eedeeyeen inuu Sixiroole ahaa.

Ninkaan ayaa waxaa xukunka dilka ah ku riday Maxkamadda Ururka Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii sida maxkamadda sheegtay uu qirtay muddo shan sano inuu ku shaqeynssnaayay falalka Sixirka.

Ninka la dilay oo 50 sano jir ahaa ayaa lagu magacaabi jiray Abuukar Xaaji Cumar, inkastoo aysan jirin cid difaaceysay oo qareen u aheyd, haddana waxaa ku dhacay xukun hal dhinac ah.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay qof kasta oo lagu soo qabto falalka la xiriira Sixirka in maxkamadda ay ka gaari doonto go‘aan cad.

Shacab badan oo laga soo kala uruuriyay tuulooyinka hoostagga Degmada Qoryooley ee Al-Shabaab gacanta ku hayaan ayaa daawanaayay qaabka dilka uu u dhacayay.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan magaalooyinka ay maamulaan ku dila dad sida ay sheegaan xukun uu ku dhaco oo maxkamadahooda ay xukmiyaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com