Monday, May 4, 2026
28.4 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo weerar Khasaaro dhaliyay ka geysatay gudaha dalka Kenya & Wararkii ugu dambeeyay

Lamu (Halqaran.com) – Warbaahinta Kenya ayaa tebinaysa in maleeshiyaa looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ay maanta weerareen bas marayey degaanka Nyongoro oo ka tirsan gobolka xeebta ee lamu.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhinteen saddex qof kadib markii maleeshiyaad rasaas rideen, ayada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta Kenya waxa ay sheegaysaa in sidoo kale Shabaab ay afduubteen dad ka mid ahaay kuwii baska saarnaay.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay inay ku daba jiraan kooxdii ka dambeysay falkaasi dadka lagu dilay, sidoo kalena dadka lagu dhaawacay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan gudaha dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa qaati ka taagan weerarada Shabaab ay ka gaystaan gudaha dalkaasi, xilli Laga soo laabanaayo Ciida Kirismiska.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...