Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo sheegtay in dagaal ay ku dileen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Janaale (Halqaran.com) – Al-Shabaab ayaa sheegtay dagaal inay ku dileen Ciidamo ka tirsanaa dowladda Federalka Soomaaliya, kadib dagaal ay ku qaadeen saacadihii la soo dhaafay farriisin Ciidamada ay ku leeyihiin deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay afar ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa lagu tababaray saldhigga Turkiga ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhanka Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya, in xaalada ay iminka degantahay. balse ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Militariga dowladda wali kama aysan hadlin hadalka ka soo baxay Ururka Al-Shabaab ee ku aadan inay dileen Ciidamo ka tirsan dowladda.

Ururka Al-Shabaab, tan iyo markii laga qabsaday gacan ku haynta deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose, wali waa ay ka samri la, yihiin Magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...