Thursday, May 14, 2026
27.5 C
Mogadishu

RW Kheyre oo wasiir u magacaabay Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye, kaddib markii…

Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradsa Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre, oo laga sii daayay Warbaahinta dowladda ayaa magacaabistaan lagu sheegay.

Mr. Khayre ayaa Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Wuxuu beddelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr. Go) oo horeyn u haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Cabdiqaadir Shariif Sheekunaa Maye ayaa waxa uu ahaa Guddoomiyihii Baarlamaankii Koowaad ee Maamulka Koonfur Galbeed, balse soo xulustii Xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo Doorashadii Guddoonka Baarlamaanka ee maamulkaasi kama qayb galin.

Ugu dambeyn, Cabdiqaadir Shariif Sheekunaa Maye sida muuqata waxaa lagu qanciyay in xubin Wasiir laga siinayo Golaha Wasiirada Soomaaliya sidaasna booska ugu baneeyo booska Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo dowladda Soomaaliya ay gaysatay shaqsi la sii ogaa inuu doorashada ku soo baxayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...