Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo ku-xigeenka Cali Ciid ayaa Duleedka Godinlabe ku soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Wafdiga Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa loo galbiyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya, in labada madaxweyne ay kulmo qaadan doono sacadaha soo socdo.
Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ku hawlanaa muddooyinkii dambe sidii wada hadal ay uga dhex furi lahaayeen Madaxweynihii hore ee Galmudug ‘Xaaf‘ iyo Madaxweynaha hadda jooga ‘Qoorqoor‘.
Si kastaba, xiisadii Siyaasadeed ee Galmudug ayaa hadda u muuqata mid hoos u sii dhaceysa, maadaama is arag uu dhex maray Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ah Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com








