J/Hoose (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in uu isku soo dhiibay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland, islamarkaana uu ka howlgeli jiray deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka gaar ahaan Xerada Baar-Sanguuni.
Askariga oo magaciisa lagu sheegay Sadaam Macallim Buule ayaa Al-Shabaab sheegtay in muddo Saddex sano ah uu ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland, balse ugu dambeyn uu ka soo baxay.
Deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbooyinka oo ay ka taliyaan Al-Shabaab ayaa la sheegay in askarigaas uu ku sugan yahay, islamarkaana ay Shabaab sheegeen inay soo dhaweeyeen.
Weli kama aysan hadlin maamulka Jubbaland warkaan ka soo yeeray Al-Shabaab, balse dhowr jeer ayaa Al-Shabaab waxaa ay soo bandhigeen askar ay sheegeen inay ka soo goosteen Ciidamada Dowladda & kuwa Maamullada dalka, halka dowladda Soomaaliya dhankeeda ay soo bandhigtay saraakiil iyo Xubno ay sheegtay inay kasoo goosteen Ururka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





