Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Akhriso Qodobbada laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho labo maalmood ayaa maanta lasoo gababeeyay waxaana laga soo saaray war murtiyeed.

Qodobada waxaa ka mid ah in lagu dhisay guddiga Amniga doorashada oo Ra’iisul wasaare Rooble uu gudoomiye u yahay uuna ku jiro taliyaha booliska Federaalka iyo taliyeyaasha maamul goboleedyada.

Lacagaha ay dhiibayaan Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxaa ay ku dhici doonto qasnada guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed.

Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland waxaa si wadajir u soo xulaya Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana ka hubinaya Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland waxaa dooranaya 46 Xubnood oo ka kala socda 23 ka socda Odayaasha Dhaqanka Somaliland iyo 23 xubnood ka socda Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ergada doorashada waxaa soo xuli doona Odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...