Friday, June 19, 2026
27.7 C
Mogadishu

AKHRISO: Liiska Xildhibaannada cusub ee Galmudug oo la shaaciyay + (Magacyada)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga Farsamada ee dhismaha Galmudug ayaa Jimcihii maanta soo bandhigay liis ay ku qoraan magacyada saddex iyo sideetan xubnood, oo ka mid noqonaya Baarlamaanka Galmudug.

Guddiga Farsamada ayaa xilliyada soo socda soo bandhigi doono lix xubnood oo keliya oo ka harsan Baarlamaanka Galmudug, oo tiradoodu guud ay tahay sagaal iyo sideetan xubnood.

Liiskan ay maanta soo bandhigeen Guddiga Farsamada ayaa waxaa ku jira labaatankii xubnood ee Ahlu Sunada Galmudug saami ahaanta looga siiyay Baarlamaanka Galmudug.

Cabdinaasir Geelle Cilmi, guddoomiyaha guddiga Farsamada ayaa Warbaahinta u akhriyay magacyada xubnaha la sheegay inay Odayaasha Dhaqanka u soo xuleen inay ka mid noqdaan Baarlamaanka 2aad ee Galmudug.

Odayaasha Dhaqanka ee beelaha Galmudug oo qaarkood saluugsan wadada loo maray soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug ayaa kulamo ka wada Magaalada Dhuusamareeb.

Doorashada lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa hareeyay khilaaf marba weji lahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...