Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

Akhriso: Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay jiheynta hannaanka doorashooyinka dalka

Muqdisho (HalQaran.com) – Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka dalka, dib-u-eegista ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda 2023.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ansixiyey magacaabista Maamulka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo magacaabista maamulka Hay’adda Qaxoootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Afhayeenka Xukuumadda Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa shirka golaha kadib la hadlay Warbaahinta, isagoo faahfaahiyay qodobbada ka soo baxay kulan khamiis laha ee golaha Wasiirada.

Afhayeenka ayaa xusay in Goluhu uu ansixiyay jiheynta hannaanka doorashooyinka dalka oo ka kooban saddex qodod, kuwaasi oo kala ah:

Qodobka 1- Dhaqangelinta heshiiska Golaha Wadatashiga ee Qaranka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay go’aamisay dhammeystirka iyo dhaqangelinta hannaanka doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu ku heshiiyay golaha wadatashiga Qaranka 27kii Maajo ee sanadkan.

Waxaa la farayaa dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay quseyso inay si deg deg ah uga howlgalaan diyaarinta sharuucda loo baahanyahay ee lagu dhaqangelinayo heshiiska.

Wixii wax ka badal ah ee lagu sameynayo Dastuurka KMG ah waxaa loo soo diyaarinayaa si waafaqsan cutubka 15-aad ee Dastuurka KMG ah loona soo gudbinayaa golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo horgeeyo labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

Qodobka 2-aad dhameystirka Habraacyada

Dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay quseyso waa inay dhameystiraan dhamaan habraacyada dastuuriga ah iyo kuwa latashiga ee lagama maarmaanka u ah dhaqangelinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka, iyada oo la xeerinayo danta Guud ee Qaranka.

Wasaaradkasta iyo hay’ad kasta oo kaalin ku keh dhaqangelinta heshiiskani, waxaa lagula xisaabtami doonaa dhaqangelinta kaalinteeda ku aadan hirgelinta heshiiska.

Qodobka 3-aad dhaqangalka go’aanka

Go’aankan waxa uu dhaqangelayaa marka golaha Wasiirada ay ansixiyaan, uuna saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo dhacday maanta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...