Saturday, January 17, 2026
25.5 C
Mogadishu

Akhri: Madaxweynaha Jubbaland ‘Madoobe’ oo maanta magacaabay labadiisa ku xigeen

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Talaadadii maanta wareegto madaxweyne ku soo magacaabey labadiisa ku xigeen, iyadoo mudooyinkanba uu waday la tashiyo ku aadan cida uu soo magacaabay.

Qoraalka uu soo saaray madaxweynaha, ayuu ku sheegay in magacaabistan uu kala tashaday gudoonka Golaha Sharci dejinta maamulkaasi, taasoo keentay in markii danbe uu ku dhawaaqo.

Sida ku cad war-saxaafadeedka, Maxamuud Sayid Aden ayaa loo soo magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland.

Halka, C/qaadir Xaaji Maxamuud (Luga Dheere) isagana loo magacaabay  Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee maamulka Jubbaland.

Labadan ku-xigeen uu soo magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa ahaa ku-xigeenadiisii hore, waxaana durba soo baxaya dhaliilo loo jeedinayo inaanu la iman wax isbedel ah oo dhinaca maamulka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ku adkeysaneysa in la qabto doorasho Madaxweyne oo Jubaland ah oo ay dhammaan dadka ka wada qeyb qaataan, sharcina aanu eheyn habka uu ku soo baxay Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashadii dhacday 22-kii August.

Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...