Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Wasiir sheegay inay wadaan tallaabooyin lagu dhimayo faqriga iyo Shaqo la’aanta dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in horey loo qaaddayo tallaabooyinkii u horreeyay ee lagu doonayo in lagu dhimo faqriga iyo shaqo la’aanta.

Wasiir Sadik Warfa, oo shalay khudbad ka horjeediyay Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaca ka qaadday in dib ugu noqoshada miisaaniyadda sannadka 2019-ka oo shalay Baarlamaanka loo gudbiyay akhrinta koowaad inay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ku leedahay in ka badan shan iyo toban milyan oo dollar oo loogu talagalay mashruuca badbaadinta Bulshada.

“Miisaaniyadda ku noqoshadda waxaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ,mashruuca badbaadinta Bulshada ugu jirta lacag dhan $15,853,857.. run ahaantii sharaf gaar ah ayay noo tahay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray ” Mashruucan wuxuu gaaraya dalka oo dhan ula jeeddadiisa waxay tahay in faqriga lagu yareeyo oo deegaannada dadka inta ay ka soo qaxi lahaayeen lagu hayo.”

Mashruuca badbaadinta Bulshada , waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bangiga adduunka, iyadoo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, uu caddeeyay inay ka go’antahay in la dhimo shaqo la’aanta iyo faqriga ama saboolnimada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...