Wednesday, April 22, 2026
30 C
Mogadishu

UPDATE: Maxaa ka jira in Xal laga gaaray xiisad ka dhalatay dilka taliyihii Ciidanka Gorgor?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ilo lagu kalsoonyahay ayaa mareegta Halqaran.com u xaqiijiyay in xal laga gaaray xalay xiisadii ka dhalatay dilkiii Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Maxaadeey Suleymaan oo Habeenkii Sabtida lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday agagaarka Hotelka Naasa-Hablood 2 balse loo bedelay Magaca Hotel Maa’ida.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay in Ehelada Marxuumka ay diideen in la’aaso meydka ilaa laga soo cadeeyo cida dishay iyo sababta loo dilay taas oo keentay in mudo Saddex Cisho ka badan u yaallo Meydkiisa oo aan la duugin.

Kulan xalay ka dhacay Hotelka Naasa-Hablood 2 iyo dadaalo ay hormuud ka ahaayeen Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Imaam Maxamed Yuusuf Cali ugu dambeyn waxaa ay suurtageliyeen in Ehelada Marxuumka ay ogolaadaan in meydka la’aaso, isla markaana wixii kale oo qorsho ah dib la isugu soo laabto.

Warka ay haleyso Halqaran.com ayaa intaasi waxa ay ku dareysaa in wixii mas’uuliyad ah ee dilkaasi uu qaatay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, isla markaanka Marxuumka saaka lagu aasayo Isbitaalka xoogga dalka loona saaray Guddi qaban qaabiya Aaska.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...