Sunday, April 26, 2026
28 C
Mogadishu

AKHRISO: Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland oo dib loo dhigay

Garowe (Halqaran.com) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee maamulka Puntland oo go’aamisay Waqtiga rasmiga ah ee lagalayo imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 12aad ee Dugsiga sare iyo Fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe ee Puntland.

War qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan oo lagu socod-siiyay Maamulayaasha Goobaha Waxbarashada iyo Mas’uuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa lagu sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ah dib loo dhigay, lana geli doono 27-June 2020.

Waxaa kaloo qoraalka wasiirka lagu xusay, in kadib qiimayn lagu sameeyay heerka uu marayo Cudurka Coronavirus ay suurtagal noqon wayday in Imtixaanka Shahaadiga ah ku qabsoomo Wakhtigii hore loogu qorsheeyay oo ahaa 30-May 2020, sidaasi darteedna la go’aamiyay in dib loo dhigo.

Halka hoose akhriso Qoraalka Wasiirka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...